Thursday, July 28, 2022

Hadaaf meediya

Waan idiin salaamay halkani waa hadaaf meediya
 muuqaalkaan waxaan kusoo koobi doonaa filim magaciisu yahay alaayf soona baxay labada kun iyo labaatan ka daawasho wacan
Filimku waxuu kubilaabanayaa joon wuu oo kaligiisa guriga joogo
hurdada ayuukasoo kacayaa waxoona eegayaa saacada telefankiisa sidoo kale waxoo ogaanayaa in uu kaligii guriga joogo waxuuna helayaa warqad iyo xoogaa lacag ah oo aay hooyadiisa uga tagtay
Isaga waa geemer waxuuna guda galayaa in uu lacayaaro saaxiibadiis geemka isagoo laayfka kujuro ayuu kamaqlayaa mid kamid ah saaxiibadiisa oo leh waxaa dilaacay cudur dadka kusababaayo in ay bahal noqdaan
Dhanka tiifiiga ayuu u soo ordayaa waxuuna ogaanayaa in uu yahay isla warkii oo kasocdo tiifiiga oo xitaa waxaa lasheegay in dowlada xakameyn weyday
hadana  balakoonka ayuu aadayaa indhahiisa ayuu ku arkayaa waxa kasocdo banaanka
wuu cabsanayyaa waxuuna ka  arga gaxayyaa markuu arko dadka is cunaayo weliba qofki laqaniino oo isagana bahaloobaayo sidoo kale waxoo maqlay buuq iyo sawaxan kaimaanaayo isla dabaqa uu saaranyahay isaga
isla markiiba waxaa xoog qolka ugu soogalay mid kamid ah deriskiisa waxuuna juun wuu  kacodsaday suuli ga in uu galo
 juun wuu waxo telefishinka kamaqlay astaamaha dadka laqaniinay lagu garto oo aah in uu maqaarka iyo indhahuba ay is bedellayaan sida uu telefishinka kamaqlay ayuu ku arkay ninki  deriskiisa ahaa  oo is bedellaayo waxuuna isku dayay in uu qolka kabaxo ninkii inta uusan zuumbii noqon
 laakiin juun wuu ayuu soo weerarayaa woona iska difaacayaa waxuuna ku guuleystay juun wuu in uu banaanka iskaga bixiyo ninkii isla markiina albaabka ayuu soo xiranayaa kadib waxuu bilaabayaa in uu murugoodo
 juun wuu  waxoo fariin kahelayyaa teleefankiis fariin waalidkiisa uga imaatay oo ay kuwydiinayaan xaaladiisa sidoo kalena usheegeen in uusan qofnakafurin albaabka
cuntada uhartay ayuu kala maareenayaa si uu u isticmaalo maalmaha uu kuxayiranaan doona  guriga sidoo kale sawirka waalidkiisa ayuu fiirsanayyaa si ay dhiiri gelin ugu noqoto
sidoo kale waxoo sooshiaal meediyaha ka arkayaa sida leyskku badbaadiyo 
sawirkiisa ayuu dhigayaa qadka waxuuna raacinayaa lokeeshinka meesha uu joogo si loogu imaado
waxuu albaabka kuxerayaa ferinjeerka si uu amni udareemo
 juun wuu fikrad ayaa kusoo dhaceyso oo ah in uu daroontiisa u isticmaalo in uu ku ogaado xaalada eeriyadiisa kajirto 
waxoo ogaanayaa in ay xaaladu aad u adagtahay kaagasiidaranee moobilkiisa ayaaba kaddeb dhacay 
hadana isagoo qadka kujuro ayaa interneka oo iddil go aayo 
markaan waxoo kuqasbanyahay in uu unoolaado sida maxaabiis camal 
xili habeen ah ayuu maqlayyaa rasaas markuu fiiriyo waxuu arkayaa askariyad xabadeyneyso horrorku laakiin wey qabsanayaan waxuuna isku dayayaa in uu badbaadiyo  woo uqeylinayaa laakiin nasiib daro waxba uma qaban karo halkii ayeyna kudilayaan  oo ay kucunayaan 
waxuu shanqar kamaqlayaa abaartamiintahiisa   waxuuna horay usoo qaadanayaa wax uu isku difaaco
waxuu arkayaa zuumbii albaabka  isku soo ciriirinaayo waxuuna isku daya yaa in awoodiisa uu saaro albaabka laakiin ma awoodo  si uu naftiis ubadbaadsado juun wuu waxuu sameynayaa in uu balakoonka qeybtiisa dambe qabsado si uu zoombiiga uga dhaco meesha
wuuna ku guuleystay qorshohiisa juun wuu qolkiisa ayuu kulaabanayaa markaan waxuu ogaanayaa in ay cuntada kasii dhamaaneyso  waxuuna kuqasbanyahay in uu kiskiseysto waxa uharay 
waxuu sawiranayaa wax walbo in aay caadi yihiin oo ay waalidkiisa  ujoogaan laakiin waxoo ogaanayaa waxaas oodhan in ay riyo yihiin oo kaliya  waxuu bilaabayaa in uu ooyo isla markiiba fariin cod ah ayaa  moobilkiisa soo gaaray waana familkiisa 
waa uu laxiriirayaa waxuuna lahadlayaa hooyadiisa waxey usheegeysaa in ay xafiiska aabahiisa kusugantahay laakiin islamarkiiba hooyadiisa waxaa soo weeraray zuumbiiska isagoo maqlaayo ayey cunayaan 
juun wuu aad ayuu uxanaaqayaa waxuuna bilaabayaa in uu wax kasto jejibiyo  asagoo xanaaqsan ayuu guriga kasoo baxayaa si uu ula dagaalo zuumbiiska wuuna ladagaalayaa  intuu awoodo 
laakiin markii uu arko zuumbii hilib dadeed cunaayo wuu cabsanayaa  waxuuna  kulaabanayaa qolkiisa
waxuuna goaansanayaa in uu nolosha is dhaafiyo xarig ayuu qoorta geshanayaa si uu isku dilo laakiin waxuu arkayaa nal leesar ah oo kaimaanaayo dhismaha kasoo horjeedo
kadib xariga ayuu iska jarayaa waxuuna arkayaa qof kaloo badbaaday oo ku jurto dhismaha kasoo  horjeedo magaceeduna waa kiim yoon biin
waxey fariimo isku weydaarsanayaan telefankooda kiim yuun biin waxey sameysatay dabin ay zuumbiiska kudisho zuumbii ayaana soo galaayo qolkeeda dabinkii ayuuna kudhacay weyna dishay
kiim yoon biin waxey rabtaa in ay caawiso juun wuu oo ay cunto siiso  xarig ayey banooni kuxereysaa  si ay wax ugu gudbiso laakiin kuma aysan guuleysan
juun wuu ayaa daroontiisa in uu xarig kuxero gabadha dhankeeda ugudbinaayo  weyna ku guuleysteen
cuntada ayeyna usoo direysaa laakiin xariga banooniga kuxerna oo gabadha soo tuurtay ayaa helaayo zoombii dhulka joogay dabaqa ayuu kusoo fuulayaa
miis xariga kuxernaa ayaa soo jiidmaayo gabadha ayuu kudhacayaa weyna suuxeysaa juun wuu ayaa isku dayaayo in uu caawiyo asagoo adeegsanaayo daroontiisa si uu bahalka ugu mashquuliyo bahalki gabadha ayaa soo kaceyso bahalki ayey gacanta kajareysaa dhulka ayuuna kudhacayaa 
juun wuu waxuu goaansanayaa in uu abaartamiintaha kale uu kasoo helo wax ay cunaan waxoo furo kahelayaa zuumbii dhintay jeebkiisa waxa uuna helayaa cunto iyo iir foon iyo taarar  iyo qalabka buuraha lagu fuulo 
waxoo kaloo arkayaa haweeney dhimatay laakiin isla markiiba waxaa soo weeraraayo zuumbii wuuna iska dhicinayaa
waxuu isku dayayyaa in raadiyooga uu daarto si uu xog uhelo laakiin wax signaal ah malahan  
taarka iyo qalab kale ayuu udirayaa  kiim yoon biin si ay ugu sheekeystaan waxeyna bilaabeen in ay isla hadlaan ayagoo kala fog ayey usheegsheegeysay qaabka cuntada loo sameysto halkii ayayna kusheekeysanaayeen 
intaa kadib roob ayaa yimid weelal ayey udhigayaan si ay ucabaan biyaha
maalinta xigtay zuumbiiska waxey galayaan dhismaha waxey isku fidinayaan meel kasto
waxeyna maqlayaan cod dheer meesha ayeyna aadayaan
Laakiin kiim yoon biin oo si tartiib ah usocoto ayaa waxaa gacanteeda gaaraayo miis taaso sawabtay cod ay zuumbiiska soo raaccaan
ayadoo cabsaneyso ayey  juun wuu weydineysaa waxa ay sameyn laheyd juun wuu ayaa u isticmaalaayo xirfad waxuuna wacayaa leendleynka deriskeeda halkaas ayeyna aadayyaan
waxeyna isku sheegayyaan hadii ay halkooda sii joogaan in ay dhiman doonaan   kiim yoon biin waxey usheegeysaa  in aysan wax zuumbii ah aysan ku arkin dabaqa sideedaat ayna macquul tahay in ay meesha kunoolaan karaan ayna cunto kaheli karaan
dabaqa ayay kasoo boodeysaa waxaana soo weeraraayo zuumbiis badan weyna ladagaaleysaa
ayado lacuni rabo juun wuu ayaa kabadbaadinaayo wiishka ayeyna korayaan dabaqa sideedaat marki ay tagaan zuumbiiskana wey kasoo daba korayaan
juun wuu waxuu isku dayayaa in uu joojiyo uuna baabi iyo laakiin aad ayey utiro badanyihiin  waxeyna kucararayaan qol meesha kuyaalay waxeyna arkayaan nin kaloo badbaaday
waxuuna siinayaa biyo iyo cunto ayagoo cuntadii wado ayaa waxaa suuxaayo  juun wuu oo cuntada wax loogu daray
ninkaan ma uusan aheyn nin fiican wuuna xerxerayaa 
waxuuna dhulka ku jiidayyaa kiim yoon biin si uu ugu geeyo xaaskiisa oo zuumbii ah
waxaa soo kacaayo juun wuu oo bistoolad ninkii kuqabanaayo una sheegaayo in uu soo daayo gabadha laakiin woo kadiidayaa 
kiim yoon biin oo udhow in lacuno ayaa jaanis u heleyso in ay iskaga badbaadiso bahalka oo wejiga ayey maro kasaareysaa
ninka markoo soo furo albaabka xaaskiisa oo zuumbiiga aheyd ayaa lagu soo tuurayaa waxeyna cuneysa ninkeeda
kiim yoon biin ayaa xabada labadooduba ladhacday si ay udisho laakiin zuumbiiska kale ayaa soo raacayaan dhawaqa bistoolada  xaaladuna wey kasii dartay
kiim yoon biin waxey kacodsaneysa in uu toogto  sawabtoo ah marabto in zuumbii ay noqoto
ayagoo is dili raba ayey maqlayaan cod helikobter waxeyna go aansanayaan in qeybta kore ay aadaan intii ay sii socdeen waxey lakulmeen weerar badan oo zuumbiis ah laakiin ugu dambeeyn wey gaareen qeybta kore ee dhismaha
laakiin nasiib daro wax helikobter ma arkin zuumbiiskana wey soo jebiyeen albaabka xabadahii uharay
ayey kula dagaaleen zuumbiiska
waxaana  kadhamaaday xabadihii waxeyna go aansadeen in ay is tuuraan laakiin nasiib wanaag
helikobter ayaaba usoo muuqatay oo badbaadisay 
markii ay kabaxeen meesha telefanadooda ayaa usoo noqday signaalka waxaana soo gaaraayo fariimo  badan halkaas ayuuna kudhamaanayaa filimlka 

fadlan hadii aad kaheshay muuqaalka laaykta noo saar sidoo kale waxaan kaa codsaneynaa in aad sabiskaraaybka noo saarto waadna kumahadsantahay daawashadaada 

No comments:

Post a Comment